Xaflad lagu taageerayey guushii xulka gobolka Karkaar ka gaaray ciyaartii kowaad ay yeesheen gobolka Haylaan ayna ka soo qayb galeen xubno ka mid ah goloyaasha kala duwan ee Puntland ayaa xalay lagu qabtay hoteelka Towfiiq ee magaalada Garawe.

Waxayna ahayd muhiimada loo qabtay munaasabadaasi  sidii loogu dhiiro galinlahaa ciyaartoyda niyaadoodana loogu dhisilahaa in ay guulo ka gaaraan inta uu socdo tartanka ciyaaraha gobolada Puntland iyaga oo ku jira groupka  ugu adag labada group ee loo qaybiyey  sideeda gobol  ee ka sooo qayb galay tartanka lixaad ee ciyaaraha gobolada Puntland.

Waxaana casho sharaftaas soo qaban qaabiyey qurubo joog  ka Soo jeeda gobolka karkaar oo uga golahaa in ay ku dhisaan moralka ciyaartoyda  si ugu hamiyaan in ay guulo isdaba joog ah ka gaaraan ciyaaraha ay yeelanayaan oo idil  gudoomiyaha qurbo joogta reer Puntland ee maleesiya     oo hadal ka jeediyey madasha ayaa tilmaamay in muhiimada iyo in ay munaasabadan usameeyeen indhalinyarada karkaar ay kor uqaadaan moralkooda dhanka ciyaaraha ah

Gudoomiyaha ciyaaraha gobolka karkaar Maxamed Yuusuf Caamir ayaa ka warbixiyey  xaalada ciayartoyda gobolka karkaar iyo soo dhawaynta loo samayey waxaana uu sheegay in mudo bil iyo bar ah ay u diyaar garobayeen sidii ay tartankaan uga qayb qaadan lahaayeen waxaana uu intaa ku daray in la ilaawi Karin soo dhawayntii iyo taageeradii ay garawe kala kulmeen isaga oo sheegay in taageerayaal farabadan oo gobolka karkaar ah ay meel fog ku soo dhaweeyeen markii ay garawe soo gaareen ugu dambayntiina waxaa uu rajo fiican ka muujiyey  in ay meel fiican ka gaari doonaan ciyaaraha ka socda Garawe

Dhamaan madaxdii iyo qurbo joogtii ka qayb galay xafladii xalay waxay ku amaaneen gobolka Karkaar ciyaar wanaagii ay soo bandhiigeen ciyaartoodii koowaad iyo akhlaaqda ciyaartoyda gobolka karkaar ay mujiyeen

Wasiirka deegaanka iyo dalxiiska Puntland C/qani Yuusuf  oo munaasabadaasi  soo xiray ayaa kula dardaarmay ciyaartoyda gobolka karkaar in  ay ka digtoonaadaan xiliyada ay ciyaarta ku jiraan in caroodaan taasi oo uu ku micneeyey in laga badiyo kooxdii caro iyo dagaal garoonka la soo gasha  maadaama uu yahay ciyaar yahan hore oo ku xeel dheer dhanka kubada cagta

Waxaana ay ku soo beegmaysaa munaasabadani xili maanta gobolka Karkaar ay ciyaar kulul dhexmaridoonto gobolka Nugaal marti galinaya ciyaaraha tartanka lixaad ee gobolada Puntland.




 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe