Qulsulka  Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cusmaan (Etson) ayaa Dhawaantaan waxaa
soo Gaartay Waraaq lagu Cadaynayo in Xilkii Sunqul nimo ee uu hayay Looga qaaday.

Qunsul Edson oo ku sugan xafiiskiisa

Waraqdaan ayaa waxaa kagy sii Hagaajiyay Safiirka Soomaliya ufadhiya Dalka Kenya
Maxamed Cali Ameerico iyadoona lagu Cadaynayo in la badalay Etson.Mar aanu ku Booqanay Xafiiska Qulsulka Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayuu waxuu Noo sheegay in uu Badalkiisu yahay waxkama Jiraan isagoo
Cadeeyay Qofka soo Qoray waraaqda Badalka inuu yahay Qof aan jirin Kana Diiwaan Gashanayn Wasaarada.

Sidoo kale waxa uu Cadeeyay Qunsulku in Jagada ku qoran waraaqda ay tahay Mid aan
waxba ka jirin Maadaama uu waraaqda ku Saxiixanyahay Xoghayaha Joogtada ah.

“Majirto Jagadaan Xoghayaha Joogtada ah la leeyahay Aniga waxa ibadali Kara oo kaliya Madaxwaynaha
, Wasiirka Arimaha Dibada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada oo kaliya Laakiin
Wasaaradu maba Lahan Jagadaan Xoghayaha Joogtada ah la leeeyahay Sisaas waxaa yiri” Maxamed Cusmaan Etson.

Si kastaba ha ahaatee Majirto wax Cadayn ah oo lagu Casilay Qunsulka Soomaalia ufadhiya Dalka Kenya.

Caluula Nuur CaluulaNairobi, Kenya