Qoyska Macalin Ibraahim Maxamuud Sh, Hindow  , oo ahaa Macalin wax ka dhigi jiray Dugsi Quraan oo ku yaal  Degmada Baargaal , mudo ka badana 2 sano ah ku xiran magaalada Boosaaso ayaa codsaday in dib xoriyadiisa loo siiyo.

Oorida Macalin Ibraahim oo lagu magacaabo Salma Maxamed abuukar oo maanta qaar kamid ah Warbaahinta ay  booqdeen gurigeeda ayaa ka codsatay dowladda Puntland iyo  Madaxwayne C/raxmaan Faroole in saygeedo loo soo daayo.

“labo  sano buu xiran yahay, wax danbi ahna laguma hayo, maxkamada waxay xakuntay in dib xoriyadiisu loogu soo cesho markii lagu waayay cadaymo Buuxa  .

Salma Mxamed Abuukar oo ah Hooyo Saddex Caruur ah   ayaa sidoo kale tilmaantay inay soo food saartay duruuf adag oo dhanka nolosha ah maadaama laga xiray qofkii keliya ee ay ku tiir sanaayeen nolol maalmeedkoodana usoo dhicin jirey , waxayna tiri aydaoo indhaheedu ilmaynaayaan Ninkaasi xaas buu ka xiran yahay, caruur buu ka xiran yahay, cid kalena nooma maqna,

Si kastaba ha ahaatee qaylo dhaanta kasoo yeertay qoyska Macalin Ibraahim Maxamuud Sh, Hindow  ayaa imaanaysa kdib xilli uu xiran yahay muddo 2 sano ah , oo aanay jirin cid kahadasha arinta macalinka oo noqotay mid la iska ilaaway ,

sidoo kale Guddi isugu jira odayaasha  iyo waxgaradka degaanka ayaa ayaguna soo gudbiyay cabasho ku saabsan Fulin la’aanta  xukunka Sum:- MR/GB/236/2011 ee 02/11/2011 xukunkaas oo lagu sii daayay IBRAAHIM MAXAMUUD SH. HINDOW ilaa hadana ku xiran xabsiga dhexe G/Bari Boosaso
isagoon wax danbi ah lagu cadayn oo Maxkamadu racfaanka gobolka Bari sii daysay

Maxamed ibraahim Axmed
Baargaal – Goblka Bari