Qoysas Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwii ka soo cararay dagaalada ka soconaya dalka Yemen islamarkaana ku laabtay deegaanadoodii ayaa mahad celin balaaran u diray Puntland.

Qaarkood qoysaskaas ee tagay guryahooda oo ku yaala gobolka Hiiraan siiba magaalada Baladweyne xarunta gobolka ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan maamulka Puntland talaabadii ay ka qaateen soo dhaweyntii iyo amba bixintii wanaagsaneyd ee ay u sameeyeen.

Waxay sheegeen in Puntland ay u sameysay gargaar ay ku ilaaween dhibaatadii ka soo gaartay Yemen, iyadoo sidoo kale soo dhaweyn ka dib ugu gurmamday in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay u dhasheen ee haatan ay ku sugan yihiin.

Waxa jira qoysas kale oo iyaguna ku sugan Baladweyne balse doonaya in ay uga sii dhaqaaqaan gobolada kale ee dalka kuwaas oo sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Puntland.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu  Baladweyne ku diyaaryay wariye Cismaan Aadna Careys.