Dekedda Weyn ee magaalada Boosaaso waxaa soo gaaray qoysas Soomaaliyeed kuwaas oo ka soo cararay dagaalada ka jira Dalkaasi Yemen.

Dadka maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxaa keentay dooni lagu magacaabo Suldaana, waxaana tiro ahaan ay dhamaayeen 273 ruux oo tiro yar un ay ka tahay yamaniyiin.

Waxaa ka dib soo dhaweyn dadkan loo kexeeyay xarunta loogu talagalay in ay ku degaan ee ku taala gudaha magaalada, halkaas oo ay saxaafada kula hadleen.

Waxay sheegeen in xaalado murugsan ay soo mareen haatanse ay aad ugu faraxsan yihiin dalkooda oo ay dib ugu soo laabteen iyagoo sidoo kale u mahadceliyay Puntland.

Agaasimaha Xerada Qaxootiga Yeman Burhaan Huruuse oo Saxaafada kula hadlay xarunta ayaa waxa uu sheegay in dadka yimid ay gaarayaan 273 qof ayna badigood yihiin Soomaali marka laga reebo tiro yar oo Yemeniyiin ah.

Dhageyso Codka Agaasimaha