Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya, isla markaana uu ku saxiixan yahay ku simihiisa soona baxay maanta 9-ka March 2012 ayaa lagu sheegay in dib loogala noqdey maamul goboleedka Khaatumo State ee Soomaaliya aqoonsigii ay dhawaan siisay dawlada KMG Soomaaliya.

Qoraalkan oo aan lagu baahin laamaha warbaahinta dawlada KMG Soomaaliya oo nuqul ka mid ah SBC ay uga heshay ilo wareed oo aan dooneyn in magacooda la shaaciyo sababo xaasaasiyada warkan uu leeyahay ayaa waxaa ku saxiixan Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha & Xanaanada Xoolaha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim.

Wareegtada ayaa lagu yiri

Markii aan dib u eegay qaybo-qoraalka dastuurka dawlada Federaalka kumeelkaarka Soomaaliya ( DKMG)

Markii aan akhriyey charter-ka DFKMG cadadkiisa 11-aad, cutubkiisa afaraad ee qeexaya sameynta dawlad goboleedyada

Markii aan akhriyey cutubka 4-aad ee isla cadadkaasi charter-ka ee 11-aad.

Waxaa ii cadaatey in dastuurku qeexayo ugu yaraan laba (2) gobol ama ka badan oo si xor ah oo waafaqsan sharciga isagu tagey ay sameysan karaan dawlad goboleed iyagoo ku saleysan sideed iyo tobankii (18) gobol ee ay Soomaaliya ka koobneyd ilaa iyo 1991-kii.

Isla cadadkaas 11-aad cutubkiisa  afaraad (4-aad) in uu Baarlamaanka oo kaliya uu si sharci ah leeyahay meel marinta sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub.

Hadaba anigoo tixraacaya qabyo-qoraalka dastuurka DFKMG qodobaddiisa qeexaya sameynat dawlad-goboleedyo cusub ee kor ku xusan, waxaa ii cadaatey inay maamulka la magac baxay Khaatumo uusan buuxin shuruudahaas loona aqoonsan karin dawlad goboleed cusub.

Sidaasi darteed, warqada sumadeedu tahay XRW/379/03/12 ee soo baxdey taariikhdu markii ay aheyd 05.03.2012 waa laga laabtey.

Qoraalkan waxaa ku saxiixan Soomaaliya a’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha & Xanaanada Xoolaha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim..

Qoraalkan oo Orginal ah sidii uu ku soo baxay si aad uga bogato riix link-ga hoose.


Riix halkan