Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu qabtey xafiiska Ra’isalwasaarenimada wuxuu ku tagey Puntland, magaalada Garoowe ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey, waxaa garoonka diyaaradaha ugu tagey soo dhaweyn ahaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, kuxigeenka Jen. Cabdisamad Cali Shire & xubno ka mid ah qaybaha maamulka.

Cabdiwali waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka mid ah wasiiro, xildhibaan, safiir & xubno ka mid ah xafiiskiisa, kuwaasi oo kala ah wasiirka caafimaadka Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, wasiirka waxbarashada Axmed Caydiid, wasiirka hawlaha guud Xareed Xasan Cali, wasiiru dawlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Nuur, wasiiru dawlaha hawlaha guud Cabdikaafi Macalin Xasan, wasiir kuxigeenka waxbarashada C/qaadir Maxamed Barre, xilhibaan Cabdulaahi Jaamac Obokar, safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Amb. Yusuf Mohamud Bari-bari  Burhan Warsame Abdi &  Chief of Protocol oo ka tirsan xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Warar SBC ka heshay ilo wargal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isalwasaaruhu kala hadli doono madaxda Puntland arimo ay ka mid yihiin.

Xiriirka Puntland & Dawlada KMG oo mudooyinkii ugu dambeeyey ulo booc ah ku tukubayey
Shirka qaran ee wadatashiga ee Soomaaliya ee dhawaan la filayo in uu qabsoomo
Arimaha siyaasada & amaanka
Kaalinta Puntland ay ka helayso deeqaha & gargaarka Soomaaliya la siinayo
Shirkadaha Puntland heshiisyada la gashay ama kuwa la galayso
Dib u eegista heshiiskii kal hore ay gaareen Puntland & dawlada KMG

Kulamada ugu horeeye ee Ra’isalwasaaraha & madaxda Puntland ayaa caawa xiliga afurka waqtiga Geeska Afrika  ka dib bilaaban doona waxaana la filayaa sidoo kale in Ra’isalwasaaruhu uu kulamo la qaato Waxgaradka, duqeyda dhaqanka & ururada bulshada rayidka ah.
DAAWO SAWIRO