Warbixin lagu daabacay Bogga Interrnet-ka ee Shirkada wada Howsha Baaritaanka Shidaalka Puntland ayaa lagu sheegay in la bilaabay qodista ceelkii labaad ee shidaalka  kaasi oo ay howshiisa u socoto Si wanaagsan, waxaa xilligan la qoday in ku dhow 1000 Metter sida lagu sheegay warka manta ka soo baxay shirkada shidaalka baareysa waxaana ay rajeynayaan in qodistiisa la gaarsiiyo 2400 oo motter.
Warka qoraalka ee shirkada range Resource ayaa waxay ku sheegtay in si wanaagsan ay wax walba u socdaa islamarkaasina iyada iyo shirkada kale ee Red Emperor ay ku rajo weyn yihiin in natiijo wanaagsan laga gaaro.

Horey shirkadahan Range Resource iyo Red Emperor Resources waxay u qodeen Ceelka Koowaad ee ku yaala Dooxada Dharoor kaasi oo aysan weli natiijada ka soo baxday la shaacin.

Dhawaan ayay dowlada Puntland sheegtay in howsha Ceelkan ay bilaabatay iyadoo shirkadaha howsha wadana ay sheegeen in haatan ay u socoto Howshaasi sidii loogu talagalay

Qodista Shidaalkan laga baaarayo Deegaanada Puntland gaar ahaan Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal ayaa ah mid ay dadaalkeeda si weyn u galeen Maamuladii ugu Maamulka Haatan ee uu hogaamiyo C/raxmaan Sheekh Maxamed iyo mamulkii ka horeeyay Dowlada Hada Jirta.

Shacabka Ku dhaqan Deegaanada Puntland ayaa si weyn ugu riyaaqsan in bal mar uun lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee HOwsha Shidaal Baarita ee laga sameynaayo Dhulka Puntland Markii ugu horeysay Muddo 21 sanno ah oo u dalka Soomaaliya burbur ahaa

Warbixinta ay soo saareen Shirkadaha Howshan Wada ka akhriso

http://www.rangeresources.com.au/fileadmin/user_upload/asx/ASX_RRS_Puntland_Drilling_Update.pdf