Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u canbaareysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday dhismaayaal ay lahayd dowlada Soomaaliya oo ku yaala caasimada Dalka waxaan halkaasi ay waxyeelo xoogan ay ka soo gaaratay Dad rayid ah oo tiradoodau ka badan tahay 70 qof.

Wakiilka Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga, ayaa si xoog leh u canbaareyay weerakaas waxaana uu sheegay inuu ahaa weerar fuleynimo waxaana uu sheegay inay u dirayaan si niyad ah Dowlada Soomaaliya Dadka Shacabka ee wax ku noqday weerarkaas tacsi iyo tiiraanyo ay ku muujinayaan inay ka xuntahay qaramada midoobay.

Mahiga waxaa uu sheegay in falkan qarax ee loo geystay dowlada uu yahay mid aan la aqbali Karin islamarkaasina ay markale canbaareynayaan weerarkaas iyo cidii soo maleegtay.

Wakiilka Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya waxaa uu beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan taageerada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin Ciidamada Amisom ee Jooga Magaalada Muqdihso si ay sidhamesytiran ugu howlgalaan xasilinta dalka Soomaaliya

Hadalka Qaramada Midoobay mid la mid ah waxaa u soo saaray Beesha caalamka oo ku tilmaantay falkan qarax inuu ahaa mid arxan dara ah oo ay canbaareynayaan Cidi ka danbeysay waxaana ay tacsi madaxa Calamka ee Taageerada Dowlada soomaaliya tacsi u direen dadka ehelkoda ay wax ku noqdeen qaraxaas.

Weerarkan qarax ee la canbaareeyay waxaa sheegtay kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring