Qoxootigii ugu horeeyay oo gaaraya 200 oo Qof oo si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho.

Qoxootigan oo ka koobnaa ku dhowaad 10 gaari oo siday 200 oo qoxooti Yamanyiin ah kana soo ambabaxay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntaland ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ayadoo soo dhowayntiisa ay ka qaybqaateen odayaasha waxgaradka iyo masuuliyint degmada Qardho wasiirka wasaarada arimaha gudaha Puntaland oo garowe uga yimi soo dhowaynta Qoxootigan iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Qoxootigan ayaa waxaa looga hortaygay duleedka magaalada qardho ayadoo markii dambana loso galbiyay goobtii loogu talagalay in laga dajiyo magaalada qardho.

Kuxigeenka Duqa degmada Qardho ahna Kusimaha Duqa Burhaan Xaaji C.raxmaan oo saxaafada kula hadlay gudaha dhismaha ladajiyay Qoxootiga ayaa sheegay in maanta nasiib wanaag aysoo gaaraan Magaalada Qardho 200 oo walaalaheena yaman oo dowladooda horay ugu astaysay in ladajiyo Magaalada Qardho wuxuu kaloo gudoomiyuhu sheegay inay aad usoo dhowaynayaan walaalahooda reer yaman si wayna ay ula qaybsanayaan wax walba.

Sh. Axmed Yuusuf Daad oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka Qoxootiga kasoo barakacay Yaman ee Puntaland oo sidoo kale ahaa masuuliyiintii lasocotay qoxootiga ayaa sheegay inay soo gaareen halkii Maamulka Puntland uu asteeyay in la dajiyo qoxootiga ee magaalada Qardho wuxuu kaloo sheegay inay lasocdaan dad tiradooda ay gaarayso 200 oo qof oo yamaniyiiin walina lasoo wado kuwa kale.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Puntland oo saxaafada dhankiisa lahadlay ayaa aad ugu mahadceliyay shacabka reer qardho iyo guud ahaan shacabka reer puntland sida ay uga qaybqaateen soo dhowaynta walaalahooda Yaman wuxuu kaloo xusay dadka reer Yaman ay abaal wayn ku leeyihiin walaalhooda Soomaaliyeed.

Qoxootigan maanta soo gaaray magaalada Qardho ayaa waxaa ladajiyay Hooygii lagu caleema saaray Boqor ka beelaha daarood Boqor burhaan oo hadana ah Dhismaha Jaamacada Bariga Africa Magaalada Qardho

Daawo Sawiradda:

4 20150608_141037 20150608_141129 20150608_141139 20150608_141151 20150608_141155 20150608_141205 20150608_141227 20150608_141316 20150608_141558 20150608_141759 20150608_141836 20150608_142046 20150608_142227 20150608_142419 20150608_142443 20150608_143136 20150608_143309 IMG_8865 IMG_8873 IMG_8880 IMG_8881 IMG_8882 IMG_8883 IMG_8886