Wararka Ka Imaanaya Magaaladda Muqdisho Ayaa sheegaya in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho Ay ka soo Dagayaan Qaxooti Somaliyeed.

Diyaarad Gaar Ah ayaa la filayaa iney magaalada Muqdisho keento Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 145-ruux, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin dad liito oo aanan awoodin inay badda soo maraan.

Qunsul ku-xigeenka Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Diyaaradan ay soo qaadeyso dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in magaalada Muqdisho la keenayo oo Dowladda Soomaaliya iyo guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku soo dhaweynayaan garoonka Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaa Khamiistii sheegay in maanta oo Isniin ah Muqdisho Dowladda ay keenayso 145-ruux oo Qaxooti Soomaali ah, Kuwaas Oo Ay Soo Qaadayso Diyaarad Gaar Ah.

Mudooyinkii Udanbeeyay Dekeddaha Magaalooyinka Boosaso iyo Berberra Waxaa Soo Gaarayay Qaxooti Somali Ah Oo Ka Imanaya Dalka Yemen Oo Ay Ku Qabsadeen Dagaallo Xoogan.

SBC, News.