Doonta Shamis 2 oo waday dad garaya 830-qof oo ka soo qaxay dagalada ka soconaya dalka yaman  ayaa manta ku soo xiratay dekadda magalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Laamaha Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada puntland ayaa kuso dhoweeyay Dekeda Bosaso,waxaana dadka Xannuunsanaa loo fidiyay Gargaar Caafimaad Oo Ay Sameenayeen Hay’adda Samafalka ee ku Howlan Dib udajinta Dadkaasi.

Dadkani ayaa waxay is kugu jireen Rag, Dumar iyo Caruur oo intoda badan ay caruur u badnayeen iyo sidoo kale 38 qof oo dalka yaman u dhashay.

Wasiir ku xigeenka Wasarada Arimaha Gudaha Dowladaha hosse iyo hormarinta reer miyiga Puntland Cabdilahi xaashi warsame Qoobdeerro ayaa Kamid Ahaa Masuuliyintii Soo Dhaweeyay dadka soo garaya bosaso ee ka yimid dalka yaman.

Shiekh fu’aad maxamuud xaaji nuur oo ku hadlayay magaca shirkada Golis Telecom ayaa shegay in shirkadu ay qaybteda ka qadan Doonto gaar gaarka qaxootiga somaliyeed ee yaman ka imanayay.

ugu danbayn waxaa soo xiray Wasiirka Wasarada Gadiidka Bada iyo Burcad badeeda Puntland C/laahi jaamac salaax Wuxuunna Sheegay in Ka Puntland Ahaan Ay Diyaar Uyihiin Soo Dhaweynta Dadkaasi.

Maaha Markii Ugu Horeysay Oo Tira Qaxooti Oo Intaan Le eg Ay Soo Gaaraan Dekedda Magaaladda Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Daawo Sawiradda:

IMG_0227-450x300 xx IMG_02521-450x300 IMG_02372-450x300 IMG_0280-450x300 IMG_0278-450x300 IMG_0275-450x300 IMG_0270-450x300 IMG_0265-450x300 IMG_0240-450x300