Maxkamada Darajada sare ee gobolkaasi Banaadir waxaa dib ugaga furmay maanta Gal dacwadeed racfaan ah oo qareeno u dooda kiiska wariye C/casiis Koronto dib u fureen.

Garsoorka Maxkamada qaadeysa dib u dhageysiga dacwada xukunka halka sano ee lagu riday Wariye C/casiis Nuur iyo Luul Cali oo ah Haweeney uu wareystay islamarkaana sheegtay in la kufsaday ayaa sheegay in dib loo furay ayna ka sugayaan dhinacyada ku shaqada leh kiiskan in ay soo hordhigaan racfaanka ay qaateen.

Xubno ka tirsan qareemada u doodaya Wariyaha iyo Haweeneyda oo la hadlay saxaafada ayaa iyaga dhankooda sheegay in ay ku faraxsan yihiin furitaanka dib u dhageysiga dacwada wariye Koronto iyo Haweeneyda.

Waxay intaasi ku dareen in ay diyaal la yihiin in ay maxkamada horgeeyaan cadeymaha ay heystaan, ayna rajo ka muujinayaan in labada qof ee xukumani helaan xukun cadaali ah.

Dhageysiga Dacwada Racfaankan waxa uu dib si toos ah ugu bilabanayaa maalinta Arbacada ah ee ku beegan 27da bishan taas oo la filayay in uu maanta furmo balse uu dib u dhac kuyimid.

SBC International Muqdisho