Qareenada Madaxii hore ee Taliska Seerbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa sheegay in aanay maanta oo Isniin ah soo xaadirayn fadhiga dhagaysiga Dacwada ka dhanka ah Ratko ee la filayo maanta in ay dib uga furanto Haik.

Milos Saljic ayaa sheegay in aanu Gen Mladic ka hadli doonin dacwada loohaysto,iyadoona kooxda difaacaysa aanay ilaa iyo hada raali ka noqon qorshaha maxkamada maanta loogu soo taagayo Gen Ratko Mladic.

Mladic waxaa Sadexdii Bishii June ee aynu soo dhaafnay uu kasoo hormuuqday Maxkamada,iyadoona dhamaan eedeymihii loosoo jeediyay uu ganafka ku dhuftay in uu galay.

Gen Mladic waxaa loo haystaa dambiyo dagaal iyo weliba xasuuq uu gaystay intii uu socday dagaalkii Bosnnia intii u dhaxaysay 1992 ilaa 1995.

Gen Mladic waxaa uu horay u weydiistay maxkamada in qareenadiisa uu soo cadeeyo,iyadoona kooxda difaacaysa aanu weli soo cadayn.

69 sano jirkan ayaa hadii lagu helo eedeymaha loosoo jeedinayo waxaa uu wajahayo xabsi mudo dheer ah,iyadoona haatan da diisu ay u muuqata mid sii gaboobaysa.