Wararka laga helayo Deegaanada Bariga iyo waqooyiga Wadanka Nigeriaaya waxaa laga soo sheegaya in ay ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo sababay khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Weerar lagu qaaday xarun booliis oo ku taala Magaalada KANO ee wadanka Nigeriay ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliiska ee dalkaasi Nigeria.

Wararka kale ee laga helayo dhinaca Bariga Wadanka ayaa ku waramaya in qarax xoogan laga maqlay Goob suuq ah oo ku yaala MAIDGURI welina ma cadda khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weeraradan isdaba jooga ah inkasta oo ay dowlada shaki balaaran ka qabto inay ka danbeeyeen Kooxda la yiraahdo BOKO HARAM oo dagaalo dhowr ah oo lagu soo qaaday Dowlada Horey u sheegatay.

Weerradan aan dhamaadka lahayn ee u dhaxeeya Kooxda Boko Haram iyo Ciidamada Dowlada Nigeria ayaa ah kuwo soo jiitamayay mudooyinkii ugu danbeeyay iyadoo khasaare xoog leh uu labada dhinac kala gaaray.

Boko Haram horey ayay u sheegtay in wadanka Nigeria ay ku maamuli doonan ku dhaqanka shareecada islaamka halka dowlada ay ku tilmaantay kooxdaasi koox fidno wadayal ah.

Jihaan Maxamed Shabeel
SBC International Monitoring