Wararaka ka Imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhow qarax uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan ka soo horjeedka Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku yaala qaar ka mid ah wasaarada Dowlada Soomaaliya

Warar horudhac ah  oo ay heshay warbaahinta SBC International  ayaa ku waramaya in gaari walxa qaraxa laga soo buuxiyay inuu galay goobtaasi waxaana ku dhintay dad ka badan 30 qof  halka intaasi inkabadan yahay dhaawaca weerarkaas qarax ka dhashay

Dadka qaar ee waxyeelada ka soo  gaartay weerarkan ayaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen dhaawacyo halis ah waxaana halkaasi gaaray gadiidka gurmadka degdega ah iyo ciidamada Amisom

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegtay masuuliyada qaraxan oo ahaa mid xoogan mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada KMG oo ku aadan weerarkan

Dhinaca kale goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku suganaa wasiiro ka tirsan dowlada mana cadda in ay waxyeelo soo gaartay iyo inkale warar is khilaafsan ayaa iminka ka so baxaya weerarkan

Wixii ku sookordha kala soco SBC International 

Max’ed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com    
SBC International Monitoring