Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa maanta goor duhurkii ka dhacay Maxkamada darajada Koobaad ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ku sugan maxkamada gobolka banaadir ayaa saxaafada u sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo is miidaamin islamarkaana ay geysteen rag dhowr ah oo hubeysan.

inkastoo aan jirin warar buuxa oo dhameystiran hadana waxaa hor dhac ahaan loo shaaciyay in khasaaraha ka dhashay ay dhimasho iyo dhaawac farabadan leedahay ku dhowaad 5 qofna la xaqiijiyay.

waxii warar ee ku soo kordha kala soco wararka dambe.