Qarax siweyn loowada maqlay oo ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Maanta duhurnimadii qarax siweyn looga maqlay galbeedka magaaladaasi.

Qaraxan ayaa sida la soo sheegayo jirin wax khasaare ah oo uu dhaliyay, waxaana uu ahaa mid la dhigay wado dhinaceeda goob suuq ah oo lagu magacaabo Toorobooro kana tirsan Xaafada Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi .

Dad goob jooga yaal ah oo lahadlay xafiiska SBC ee Garoowe ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay markii ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay fashiliyeen, dib markii ay dadweyne halkaasi ka agdhowaa ay u soo sheegeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya marka ay qaraxa fashiliyeen halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano aan ilaa iyo iminka la xaqiijin in dad lagu qabqabtay iyo inkale .

Daalacatey :218

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print