Qarax Sababay Khasaare ubadan dhaawac oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa maanta gelinkii dambe waxa uu ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho caasimada Dalka gaar ahaan suuga Bakaaraha.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca gacanta laga tuuro kaas oo lagu tuuray ciidan dowlada ka tirsan oo halkaasi marayay .

In kabadan 16 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeyn qaraxa, waxaana dadkaasi ay isugu jiraan ganacsato u badan Haween oo goobta ku sugnaa iyo qaar ka mid ah ciidamada lala eegtay bamka .

Saraakiisha caafimaad ee Isbitalada la gaarsiiyay dadkii dhaawacmay ayaa sheegay in khasaaruhu kabadanyahay 15 qof ayna 9 ka mid ahi dhaawac halis ah yihiin.

Goobta qaraxu uu ka dhcay ayaa aheyd goob saxmad badan oo ay ku ganacsanayeen Haweenka iibiya Dahabka waana qeybta dahabka ee Suuqa Bakaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII