Wadada Maka Almukarama Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax xoogan oo noociidu ahaa mid gaari lagu soo rakibay kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho

Gaarigani ayaa qarxay ka dib markii ay daqiiqado ka hor wadadaasi mareen kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada Amisom.

Afhayeenka Ciidamada Police-ka Soonaaliya ayaa sheegay in qaraxani uu sababay khasaare dhimasho 1 qof ah ayna ku dhaawacmeyn dad ka badan 7 qof oo dhamaantood ah dad rayid ah oo saarnaa gaari BL ah .

Ilaa iyo iminka ma jiraan cid ay ciidamada dowladu u soo qabteen qaraxan sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Police-ka waxaana uu intaasi ku daray in ay wadaan baaritaano.

SBC International Garoowe