Saraakiil ka tirsan DOwlada Kacaanka ee Iiraan ayaa u sheegay warbaahinta in qarax xoogan oo ka dhacay xarun ciidamada ay leeyihiin oo ku taala Magaalada Karaj taasi oo qiyaas ahaan 40Km u jirta  caasimada Tehran inay ku dhinteen ku dhawaad 17 askari oo ka tirsan ciidamada kacaanka islaamiga ee Iiraan ac

Afhayeen u hadlay ciidamda ayaa sheegay in qaraxa uu yimid ka dib markii hub la geliyay gudaha xarunta uu qaraxu ka dhacay taasina ay sababtay qasaaraha soo gaaray ciidamada Iiraan

Sida ay ku waramayaa dad goobjoogayaal ah oo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku waramaya in gobo ka fog goobta qaraxa laga maqalay iyadoo sidoo kalena burbur xoogan gaarsiiyay daaqadaha dhismayaal aad uga fog goobta xarunta ciidan ah.

Wariyasha ku sugan Caasimada Tehran ayaa ku waramaya in weli  goobta uu qaraxu ka dhacay uu ka baxayo olol iyadoo wadooyinka goobtaasi ay yihiin goob aad u xiran oo mashquul badan uu ka muuqdo.

Wararka ugu danbeeyo ee laga helayo xarunta ciidan ee Iiraan ayaa waxaa ay ku waramayaa in laga cabsi qabo inay sii kordhaan dhimashada sababtoo ah qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah oo qaba dhaawacyo halis ah.

Mahan markii ugu horeysay oo mid ka mid ah xarumaha ciidamada iiraan uu ka dhaco qarax sababa qasaare baahsan bishii October ee sannadkii tagay waxaa uu qarax kan la mid ah ka dhacay gobo ay leeyihiin ciidamada Kacaanka ee iiraan

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Monitoring