Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose waxaa maanta ka dhacay qarax siweyn looga maqlay xaafadaha magaaladaas kaas oo lala eegtay goob uu magaalada ka degenyahay maamulka kumeelgaarka ah ee maamula.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaan jirin khasaare Dhimasho oo ka dhashay waxaana sida wararka aynu kuheleyno sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 7 qof oo tiro ka tirsan ay ahaayeen ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugnaa.

Inta kale dadka dhaawacmay ayaa ahaa Rayid iyadoo 2 ka mid ahi ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee goobaha la gaarsiiyay dadkaasi in ay qabaan dhaawacyo cul culus .

Sikastoo ay ahaato waxaa magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose waxaa ku soo laalaabtay falalka ceynkan oo kale ah oo khasaare farabadan geystay.