Ugu yaraan laba askari oo katirsan booliska Burundi ayaa la xaqiijiyay in qaraxyada ay ku dhinteen halka 10 askari dhaawacyo soo gaareen sida ay sheegeeyn saraakiisha Booliska.

Qaraxa Ayaa Ka Dhacay Barmatamaha Magaaladda Caasimadda U Ah Dalkaasi Burindi Ee Bujanbuura, Waxaanna Uu Saameyn Ku Yeeshay Isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka Ee Magaaladaasi,

Wakaaladaha Wararka ayaa baahiyay in goobta qaraxyadu ka dhaceen ay kuyaaceen boqolaal katirsan ciidanka booliska iyadoona la arkayay gaadiidka caafimaadka oo dhimasho iyo dhaawac daad guraynayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada melleteriga Burundi ay xoog ku galeen idaacad maxalli ah oo Bujanbuura kutaal iyagoona amar ku bixiyay in idaacadda ladamiyo.

Maalmihii lasoo dhaafay Burundi waxaa kajiray khalalaasa siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay ammaanka wadankaasi shacabka Burundi ayaa kasoo horjeestay in markii 3-aad uu doorashooyinka madaxtinimada iskusoo taago madaxweynaha iminka talada haya.

Wadankan Ayaa Kamid Ah Kuwa Ay Ciidamadda Faraha badan Kaga Jiraan Howlgalka Midowga Afrika Ee Amisom, Waxeyna Ururka All-Shabaab Ee Somaliya Marar Badan Ku hanjabeen iney Weeraro ka Geeysanayaan Dalkaasi.

SBC, News.