Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho caasimada dalka ayaa sheegaya in  qarax ismiidaamin oo xoogan uu ka dhacay agagaarka isgoyska tarabuunka kaas oo lala eegtay kolonyo gelbineysay wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxaasi oo ahaa mid xoogan uu haleelay mid ka mid ah gaadiidkii ilaada u aha wafdigaas, waxaana galay gaadiid ay ku rakibnaayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamo Somali ah oo ilaalinaayay Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa la sheegayaa inay qaraxaasi  ku dhinteen, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo ciidanka Somalida ah soo gaaray.

Wararka la isla dhexmaryo ayaa sheegaya in rasmi ahaa dhimashada ka dhalatay qaraxaasi ay kor u dhaafeyso 12 qof oo u badan Askar Soomaali ah.

Faah faahin kale kala soco wararkeena dambe