Wararka ka soobaxaya Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlay qarax aad u xoogan kaasi oo lala eegtay goob fadhi u ah ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxan lala eegtay barta Control oo lagu magacaabo Baar ismaaciil  ayaa waxaa uu ahaa qarax ismiidaamin, iyadoo goobtaasi ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Dowlada Somalia.

lamana xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay,marka laga reebo hadal ka soo baxay saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan kuwaasi oo sheegay in qaraxasi uu ka dhashay khasaare geerida 1 ruux oo ahaa ruuxa ismiidaamiyay oo keliya.