Qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Xeebta liido Muqdisho

2 qarax oo is xig xigay ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay goob laga cunteeyo oo ku taala xeebta liido ee magaalada muqdisho.

Qaraxyadan ayaa mid ka mid ahi waxa lagu rakibay gaari nooca raaxada ah oo la dhigay barta la dhigto gaadiidka u socda goobtaasi, halka ka kalena uu ka dhacay gudaha maqaaxidaasi uuna ahaa mid uu isku soo xiray nin naftiisa haligayay.

Inta ilaa iyo iminka la xaqiijiyay qaraxyadan waxaa ku dhintay qofkii ismiidaamiyay oo qura halka ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale sidaasina waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidamada .

Sida ay xaqiijinayan ilo wareedyo kale oo u waramay SBC International ninka isqarxiyay ayaa watay gaariga qarxay waxaana uu in mudo ah ku sugnaa goobtaasi laga cunteeyo isagoo ka cunteeyay dhowr jeerna galay suuliga maqaaxidaasi.

Sikastaba ha ahaatee qaraxyadan ayaa la mid ah mid hada ka hor ka dhacay isla maqaaxi laga cunteeyo oo ku taala isla gudaha Xeebta liido .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII