Wararka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in caawa uu qarax khasaare dhimasho geystay uu ka dhacay Goob ay ka anbabaxaan Ciidamada Madaniga ee Suga Amaanka Magaaladaas.

Qaraxa caawa ka dhacay gaalkacyo oo ahaa nooca dhulka hoostiisa lagau aaso ayaa waxaa ku 2 qof ayaa ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerarka qaraxa ee Caawa ka dhacay agaagaraha Masjidka Bashaar oo ku yaala Xaafada Israac

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyada weerarka Caawa ka dhacay gaalkacyo sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada gaalkacyo


SBC International Monitoring