Magaalada Nairobi Xarunta dalkaasi Kenya Caawa Markale waxaa laga Maqlay qarax xoogan bartamaha magaaladaasi kaas oo ka dhacay goob ay dadku ku badanyihiin .

Qaraxani ayaa sida ilaa iyo iminka la rumeysanyahay ku geeriyooday 1 Ruux halka ku dhowaad 15 qofna ay ku dhaawacmeyn.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Kenya waxa ay sheegeen in qaraxu uu ekaa mid ka dhashay hubka garabka laga gano, hase ahaatee aan la ogeyn ilaa iyo hada in uu Bam ahaa iyo in Hubka kale ahaa.

Haabimadii xalay ayay aheyd markii qarax ceynkan ah oo uu ka dhacay gudaha Magaalada Nairobi Xarunta dalka Kenya kaas oo sababay geeriday dad kor u dhaafaya 10 qof oo kenyan ah, kaas oo sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka dalkaasi loo maleynayo in ay ka dambeeyaan xarakada Mujaahdiinta Alshabaab ee Somalia ka dagaalanta.

Ma jiraan Faah faahin intaasi ka baxsan oo laga helayo qaraxa caawa ka dhacay Nairobi, waxii faah faahin intaasi dheerse waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga dambe.

SBC International News Deks