Dubai- Qaramada Midoobay ayaa si diiran u soo dhaweysay shirka la filayo in uu dhawaan ka furmo wadanka isu taga imaaradka Carabta ee lagu falaqeyn doono arimaha burcad badeeda ka aloosna xeebaha Soomaaliya & biyo badeedka kulaala ee caalamiga ah.

La taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jack Lang ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan shirka lagu wado in lagu qabto magaalada Dubai kaasi oo looga hadli doono dhibaatada burcad badeeda Soomaalida.

Mr. Lang ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Wasiirka arimaha dibadda ee dalka isu taga Imaaradka Carabta Affairs Minister Shaikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan soo abaabulida shirkan oo ay ka qayb galayaan 60 waadan, ururo caalami ah, Ganacsagto & Shirkadaha Maraakiibta maamula.

Shirkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo falalka burcad badeedu ay sii kordhayaan xili ciidamo isku dhaf ah oo ka socda wadamo fara badan ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya hawl lagu galbiniyo maraakiibta gargaarka & ganacsiga ee goosheysa badd weynta Hindiya & Qooriga Cadmeed.

SBC Monitoring