War ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay wax badan iska badaleen Magaalooyin dhowr ah oo si aad ah ay sannadkan ay u saameeyeen abaaraha daran ee ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Qaramada midoobay qeybta qaabilsan Ilaalinta Cuntada iyo Nafaqeynta ayaa sheegay inay horumar ay ka samayeen Gobolada Bay,Bakool iyo Shabellada Hoose oo ka mid ahaa gobolada ugu daran ee ay macaluusha iyo Abaartu si aad ah u saameysay.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa saxaafada u sheegay in wadanka Soomaaliya uu weli ka mid yahay wadamada ay weli ka jirto abaarta iyo macaluusha daran ee ka taagan qaar ka mid ah wadamada bariga afrika oo ay Soomaaliya ku jirto

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa ay xustay in lacag ku dhow  $800million oo dollar ay ku baxday gargaarka la gaarsiiyay Wadamada Bariga afrika oo ay ku dhuftay abaartii ugu xumeyd muddo 60 sanno ah.

Mark Bowden u qaabilsanaha qaramada midoobay ee Arimaha Gargaarka biniaadanimada ayaa waxaa uu sheegay in xaalada abaarta ay tahay mid weli sii jirta xilli bilowdeen roobabkii gu’ga oo xilligan oo kale ka da’a Soomaaaliya

Waxaa uu Bowden hoosta ka xariiqay in weli dalka Soomaaliya uu u baahan yahay gargaar biniaadanimo si looga samatabixiyo Xaalada Sii xumaaneysa ee Dalka soomaaliya, isaga oo sidoo kale xoojiyaya warka qaramada ka soo baxay ee ku aadan in sannadka soo socda soomaaliya ay u baahan tahay lacag ka badan 1bn oo doolar oo wax looga qabto Abaaraha iyo macaluusha.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring