Qaramada Midoobay ayaa bilaabaysa in ay shaqaalaheeda ka daad gurayso xarunta dalka Liibiya ee Tripoli,kadib markii la beegsaday xafiisyadeeda deegaankaasi.  

Dhismayaal ay qaramada Midoobay leedahay ayaa kooxo ka caraysan duqaymihii Nato ay ku dishay Wiilkii ugu Yaraa,wiilasha Korneel Qadaafi  ayaa waxaa ay ku weerareen Bom,iyadoona sidoo kale ay weerareen Safaaradaha Ajaanibta ee isla xarunta dalkaasi ku yaala.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in wakhtiyada soo socda ay bilaabayaan sidii ay gabi ahaan shaqaalahooda uga saari lahaayeen Tripoli,waxaana uu sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabada ay qaadeen kooxo jawaabta ka bixinayay duqaymihii Nato ee lagu dilay mid kamid ah caruurta Korneel Qadaafi.  

Wasaarada arimaha dibada Britain ayaa qaaday talaabo ka dhan ah Dowlada Liibiya,iyadoona ku amartay safiirka Liibiya u fadhiya London in saacado gudaheed isaga baxo guud ahaanba dalkaasi.  

Talaabada ay Dowlada Britain qaaday ayaa ahaa mid daba joogay weerar sidoo kale lala beegsaday dhismaha safaaradooda ee Tripoli.

Dowlada Talyaaniga ayaa iyaduna dhinaceeda cambaaraysay weerar lagu qaadayb safaaradeeda Triboli,waxaana ay ku tilmaantay fal aan wanaagsanay oo dhinaca khaldan loo qaaday.  

Weerarada kala duwan ee lagu qaaday Ajaanibta ku sugan Tripoli ayaa yimi kadib weerarkii duqaynta ahaa ee lagu dilay mid kamid ah wiilasha Madaxweynaha Liibiya Korneel Mucamar Al qadaafi.

 

 

Xuseen Xuska|
SBC Internatioal Monitoring.