QARACAN & NAXDIN (Qof nolasha lagu aasay isagoo waliba Ashahaadanaya) VIDEO

Mid ka mid ah falalkii ugu naxdinta badnaa uguna naxariis darnaa uguna bini’aadamtinimo liitay oo Islaamnimada ka baxsan ayaa dhawaan ka dhacay dalka Siiriya ka dib markii ciidamada daacada u ah Madaxweyne Bashar Al-Asad ay nolasha ku aaseen nin ka mid ah rayidka dalkaasi oo ay ku qabteen isagoo video ka duubaya ciidamada amaanka.

Muqaal video ah oo dhexmushaaxaya baraha Internet-ka ayaa lagu daawaday nin shacab ah oo dhulka lagu aasay ilaa luqunta, surkuna ka soo jeedo kaasi oo ku calaalaya badbaadada naftiisa iyo ciidamada Suuriya oo ninkaasi dushiisa hadalo ka baxsan Islaamnimada iyo bini’aadamtinimada ku hadaaqaya.

Ninka la aasay oo madaxu ka soo jeedo ayaa ku calaalaya in la badbaadiyo, balse isagoo cabaadkii iyo qayladii wada ayaa lagu bilaabay in madaxa ciida looga shubo iyadoo badiil la adeegsanayo.

Dhibanihii oo indhaha maro looga rixay godna lagu riday

Ninka ayaa markii uu waayey cid u diir naxda ama naxariis u fidisa uuna dareemay in naftiisa daqiiqadihii ugu dambeysay marayso wuxuu bilaabay in uu Ashaahadada qiro isagoo sidoo kale ku sallinaya Nabigeena Muxamed CSW.

Laakiin ciidamada manaxayaasha ee Basha Al-Asad ka amar qaata ayaa ninkaasi ayaa ninkaasi markii uu bilaabay in uu Ashahaato waxay ugu jawaabeen hadalo dambi iyo Muslimad ka baxsan siyadoo ku yiri “Bashaar Asad ILAAH ka dhigo” iyo hadalo kale oo dambi iyo shaydaanimo xambaarsan.

Kooxda ma naxayaasha ah ayaa markii ninkii aaseen oo madaxu kaliya ka soo jeedo waxaa goobtaasi yimid nin ay ku sheegeen in uu ahaa Taliyehadooda iyagoo siiyey warbixin ku aadan habkii ay ula dhaqmeen ninkan iyagoo ku leh “Taliye waan aasnay, sidii aad nagu siisay amarka”.

Taliyihii ayaa su’aalay kooxdii manaxayaasha ahaa su’aaasha “muxuu haystaa, wax miyaad ka hesheen xayawaankan”.

Kooxdii ciidamada aheyd ayaa markaasi ka dib ugu jawaabay taliyaha “aqoonsigiisa oo kaliya ayuu haystaa, kaamiradii uu wax ku duubayeyna waan ka qaadnay”.

Taliyihii oo naxariis iyo bini’aadamtinimo aanay ka muuqan ayaa ninkii uu cabaadaya dul tagey, isagoo su’aalo jees jees ah waydiinaya ayuu ku yiri “Kaamiradan ayaad wax ku duubaysay miyaa xayawaanyahow, waxaadna doonaysay inaad u dirto Telefishinada Al-Jazeera iyo Al-Carabiya”.

Hadalkaasi markii uu yiri taliyaha ayaa nin ka mid ah kooxdii ciidamada wuxuu soo dhexgalay hadalkii taliyaha isagoo yiri “Kani waa aqoonsigiisii”.

Taliyihii ayaa ninkii mar kale ku jeestey isagoo ku leh “Waxaan filayaa inaad tan ku qaadato mushaar xayawaanyahow”.

Mid ka mid ahaa kooxda manaxayaasha ayaa la soo booday “Mudane, mudane ninkan wuxuu ka tirsan yahay Al-Qussiar (koox dhanka propagandada u qaabilsan mucaaradka Siiriya), waxaan ka helay cajalado muuqaal ah oo uu kaga duubay Kaamirada ciidamada amaanka”.

Kooxdii maxayaasha ahaa ayaa hal mar ninkii ku yiri “Xayawaan Al-Qussair ka tirsan, eey Al-Qussair”,

Taliyihii ayaa ku amray kooxdii manaxayaasha ayaa inay ninkaasi aasaan, iyagoo ku bilaabay inay caro ku sayreen.

Ninkii ayaa bilaabay in uu Ashahaato, laakiin nin ka mid ahaa kooxdii manaxayaasha ahaa ayaa ninkii ku hadal celiyey isagoo hadalo diinta ka baxsan ku leh, isla markaana Basha Al-Asad uu muujinayo in uu ninkaasi baryo intii uu ALLE baryi lahaa (Subxaana ALLAH).

Dhibanihii oo ciid badeel loogu dhaaminayo oogada

Laakiin ninkii miskiinka ahaa ee la duugayay si cabsi la’aan ah ayuu ugu celceliyey in aanu jirin ILAAH xaq lagu caabudo oo aan ALLE ka aheyn, isla markaana Nabi Muxamed CSW uu yahay rasuulkiisii.

Naxdin iyo qaracan ninkii oo ashaahadanaya Nabigana nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ku salinaya ayaa la aasay oo ciidii lagu dhameystiray dhamaan jirkiisii, iyadoo amarka uu bixinayo taliyaha isgaoo leh “Duuga, carada ku aasa, aasa iyo hadalo kale”.

Falkan ka baxsan Islaamnimada iyo aadamtininada ee ay ku kaceen ciidamada Bashar Al-Asad ayaan aheyn kii ugu horeeyey waxaana uu qayb ka yahay falal gumaad iyo isir sifeyn ah oo ay ku hayaan shacabka ka gadoodsan xukunka Bashar Al-Asad.

Si aad u daawato murugadan ninkan la aasayo isagoo nool oo Ashahaadanaya riix link-ga video-ga hoose.
Halkan riix

Daawo

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC News Desk London

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII