Qaban qaabadii ugu dambeysay ee Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka oo Socota

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa si toos ah uga socota Garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho.

Sida ay sii warinayan wariye yaasha idaacada SBC ee halkaasi ku sugan waxa iminka soconaysa gali taanka xarunta ay ka dhicidoonto dorasahada oo ku dhextaala garoonka Aadan cade, iyadoona ay gudaha u galayaan gobta xildhibaanada baarlamanka ee doorandoona gudoomiyahooda cusub.

In ka badan 255 xildhibaan ayaa gudaha u galaya goobta doorashada, waxaana ay marayaan iminka hubin iyagoo ay siweyn u baarayaan laamaha amaanka garoonka diyaaradaha kuwaasi oo isticmaalaya qalab casri ah.

Amaanka goobta ay ka dheceyso Doorashada ayaa siweyn loo adkeeyay waxana amaanka sugaya ciidamada Ajinabiga ah ee Amisom iyadoo goobahaasi aan lagu arkeyn ciidamo Soomaali ah marka laga reebo gudaha goobta doorashadu ka dheceyso kuwasi oo u badan ilaalada masuuliyiinta.

Waxii warar ee ku soo kordha doorashadan iyo halka uu xaal marayaba kala soco SBC online

Daalacatey :501

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print