Qaban qaabada Xaflada gaba gabada Tartanka Kediska Ramadaanka SBC international u qabato sanadwalba bisha Ramadan Xaafadaha Deegaanada Puntland ayaa si dar darleh uga socota gudaha Magaaladan Boosaaso, gaar ahaan xarunta ay ka dhicidoonto ee Hotelka Juba.

Xaafadaha Xorgoble Qardho iyo Laanta Hawada oo Boosaaso ah ayaa u taagan Wareega kama dambeysta ah ee Tartanka iyadoo labadaasi xaafad ay caawa ku kala bixidoonaan inta ay socoto xaflada Gabagabada.

Xaflada ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan Xubnaha sar sare ee Gudiga Tartanka Kediska SBC, Maamulka Sare ee Warbaahinta SBC, Masuuliyiinta Shirkada Golis oo Maagelinta tartankan iskale Xaafadaha tartamaha iyo weliba Maamulada labada degmo ee ay ka soo kala jeedaan Xaafadahan Tartami doona.

Inta aaan la gaarin tartanka iyo Xaflada Caawa waxaa garoonka Kubadda Cagta ee Magaaladan Boosaaso ka dhocodoonta Galabta Tartan kubadeed ay labadan xaafadood naadiyadoodu isku arkidoonaan.

Daawadayaal farabadan ayaa ku qulqulaya Garoonka kubadda cagta Boosaaso, waxaana laga dhursugayaa cida ay guushu raacdo ciyaarta iyo weliba tartanka Caawada.

K M Cayuuni
SBC International