Qaban qaabada Xaflada Caleemasaarka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Muqdisho xarunta Dalka.
Maalinta Berito ah oo axad ah ayaa horay loo iclaamiyay in ay dhici doonto xilwareejinta iyo caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheeq Maxamuud oo si caqlabiyad leh ugu codeeyeen 10kii bishan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Gudi loo xilsaaray soo diyaarinta xafalada iyo qaban qaabada kale ee Kulanka Caleema saarka ayaa ku jira howlsha iyagoona sheegay in ay u mareyso halkii ugu wanaagsaned islamarkaana maalinta berito ah si heer sare ah u qabsoomidoonto xaflada.
Masuuliyiin Ajaanib ah iyo kuwo ka tirisan xukuumada ayaa ka qeyb gali doona Xaflada xilwareejinta Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maalinta berito ah hadii alle uu ogolaado.
Tan iyo intii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq Maxamuud waxaa ilaa iyo iminka soconaya Halbalyooyinka ka imanaya beesha caalamka ee loo dirayo madaxweynaha cusub iyadoo lagu tilmaamay xilkan cusub ee loomagacaabay Xasan Sheeq mid ku soo beegmay xili aad u wanaagsan.
Daalacatey :565