Aaska Iimaam Maxamuud Iimaan Cumar ayaa lagu wadaa in uu maanta dhaco magaalada Muqdisho xarunta gobolka Banaadir .

Waxaa soconaya Qaban qaabada Aaskaasi iyadoona ka soo kicitintay Diyaaradii siday Meydka Magaalada Nairobi xarunta Dalka Kenya, waxaana halkasi ka soo raacay oo diyaarada la saaran Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko, Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Nairobi qaar ka mid ah Xildhibaano DKMG oo dhowaan iyagu halkaasi u tagay Siminaaro, iyo weliba Qaar ka mid ah ehelada Alaha u naxariistee Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar.

Iimaamka ayaa waxaa lagu wadaa Aas sare in loo sameeyo waxaana loo xilsaaray aaska Imaamka Gudi kaas oo loo kala qeybiyay, Qeyb ka mid ah ayaa ku sugaya Airport-ka si ay u soo gelbiyaan Meydka, qeyb 2aad ayaa ku sugan deegaanka Jasiira ee Degmada Wadajir halkaas oo ah qabriga lagu aasi doono Alle ha u naxariistee Iimaan Maxamuud Iimaam Cumar, halka Qeybta 3aad ee gudigana loo xilsaaray Maamuuska iyo soodhaweynta iyo in ay kala hagaan madaxda iyo Shacabka .

Xubnaha ugu sar sareeya DKMG ah ayaa iyagu lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan Aaska loo sameynayo Iimaamka, waxaana sidoo kale ka soo weyb gali doona Madax dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Sikastaba ha ahaatee Amaanka goobta uu maanta ka dhacayo Aaska Iimaamka ayaa waxa sugaya Cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom iyo Ciidamo ka socda Degmada Wada jir oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmadaas Axmed Daaci.

Cali Maxamed Axmed
SBC International Muqdisho

?