Suldaan Maxamad Yuusuf Cabdi oo Kamid ah Isimada Deegaanada Puntland oo iminka Ku Nool Dalka Austrai ayaa Siwey U Soo Dhaweeyay Dastuurka Cusub ee Somali Yeelatay Kaas oo maalintii Shalay ay si Aqlabiyad Leh ay ku ansixiyeen Inkabadan 645 ergo oo Kamid ahaa Golaha Dastuuriga ah ee Muqdisho ku shirsanaa.
Suldaanka Ayaa Somalida ugu Hambalyeeyay Guusha umada Somaliyeed u Soo Hoyatay wuxuuna sheegay Suldaan Maxmad in Ay Tahay Umada Somaliyee in ay u Hogaan samaan Dastuurka iminka ay ansaxsadeen.
Talaabada Tanxigata waxaan Filaynaa in ay Noqoto In Somalia ay Yeelato Madax Wanaagsan oo Matali Kara Shacabka Somaliyeed Xildhibaanada Lasoo Xulayana ay Noqodaan Kuwo u adeega Umada Somliyeed Noqdana Kuwa Shacabka Kasaara Dhibaatada ay Mudada Badan Ku jireen.
Dhanka Kale Suladaan Maxamad Yuusf Cabdi wuxuu Hambalyo u diray Shacabka Ku dhaqan Deegaanada Puntland isagoo Ugu Hambalyey Sanad Guuradii 14 ee Kasoo wareegatya aas aaski Dawlada Puntland wuxuuna Suladaanku shacabk eebe uga Baryay In uu Sanadakan Sanadkiisa uu Ku Gaar siiyo Barwaaqo iyo Amaan wanaagsan .
Cismaan Saalax Cismaaciil
SBC International Boosaaso