Bossaso:- Dr Xaatim Cawdah oo ah madaxa machadka qaranka Masar ee baaritaanada iyo xiddigiska ayaa sheegay in maanta dalal ku yaala bariga Asia, ameerikada woqooyi ,Island, koonfurta badweynta Hindiya iyo cirifka koonfureed, laga arki doono qorrax madowbaad balse dalal badan oo carbeed oo ay Masar iyo soomaaliya kamid yihiin aan laga arki doonin qorrax madoowbaadkan.

Science- yahanada caalamka ee ku taqasusay cilimga falakiga ama xiddigiska.ayaa sheegaya in Qorrax madowbaadkan laga arki doono dalalkaas uu heerka madowgiisu gaari doono %10.

Sidoo kale wargeyska Al-thowra ee ka soo baxa magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Syria oo soo xiganaya Jimciyadda la socoshada dhalashada bilaha hijriga dalka Syria ayaa xaqiijiyey in koowda July dalal badan oo caalamka ah laga arki doono qorrax madowbaad qeyb ahaan ah.

Xarunta diyaarinta macluumaadka saadaasha Cimilada dalka Pakistan ayaa sheegtay in qorrax madoowbaadkan mid lamid ah la arki doono 25 November 2011 iyadoo sidoo kalana la arki doono qorrax madoowbaad dhameystiran 13 November 2012.

Seenisyahannada ayaa ku tilmaama in Marka qoraxdu madoobaato ay sabab u tahay marka Dayaxu kala dhex galo Qoraxda iyo Dhulka ,taasoo badanaa aan wada saameen dhulka maadaama Dhulku ka weyn yahay Dayaxa .

Sidoo kale Dayax madoobaadka ayaa ay ku micneeyaan in uu ku yimaado marka Dhulku kala dhexgalo Qoraxda iyo dayaxa, kaas oo harka dhulku saamaeen ku yeesho dayaxa sidaasna uu kuyimaado dayaxmadoobaad qayb ah ama wada saameeya gebi ahaanba

Diinteena Islaamka ayaa inoo sheegtay in qorax madowbaadka iyo Dayax Madowbaadku ay yihiin labo aayat oo kamid ah ayaataka ALLE kuwaas oo la doonayo in bani’aaadamka ay ku cibra qaataan ayna ALLE uga towbad keenaan dambiyada ay ku jiraan ama ay galayaan.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring