Qaar  ka mida Shaqalaha Wasarada Cafimaadka Puntland ee Puntland oo isaga kala yimid Magaaloyinka Bosaso, Galkacayo, Qardho, iyo Garowe ayaa maanta Tababar ugu soo gabo gaboobay Magaalada Garowe oo ay ku baranayeen Habka loo xareeyo warbixinada dadka la nool  xanuunka HIV/AIDS .

Tababarkan ayaa mudo lix maalmood ah u socday waxaana iska kaashanayeen Wasarada Caafimaadka Puntland, WHO iyo Ha’yada Puntland u qabilsan Cudurka AIDSka ee PAC.

Dr Abuukar Sheikh Axmed oo ka socday Ha’yada WHO qaybteeda Xakamaynta Cudurka HIV/AIdska ayaa ka waramay ujeedka ay ka lahayeen iyo qorshayaashan la baray inta ay soconayaan isaga o sheegay in dadkan la baray habka loo xareeyo dadkan iyo ilaalinta sirta qofka.

Dadkii Ka qayb galay oo ubadnaa Qaybaha Caafimaadka iyo Dad la nool xanuunka ayaa soo dhaweeyay qorshahan cusub oo lagu shaqaynayo mudada 10 sano ah waxayna ku tilmaameen talaabo horey loo qaaday iyaga oo uga mahadceliyay dhinacyadii soo qabanqaabiyay tababrkan

Dr Maxamed Cali Waa Madaxa Qaybta HIV /AIDS ka u qabilsan Wasarada Caafimaadka waxaa uu kula dardarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay barteen oo ku cusub goobaha ay ka yimadeen si dadka kale uga fa’iidaysataan.

Sawiro