Hay ada Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Human Rights Watch ayaa war bixin ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay sii kordhayso tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobaya dagaalada Liibiya,iyadoona si gaar ah ugu  eedeysay Ciidamada Korneel Qadaafi in ay baartilmaameedsanayaan Dadka rayidka ah.

Human Rights Watch waxaa ay sheegtay in dadka rayidka ah ee ay Ciidamada Korneel Qadaafi ay dhibaatada u gaysteen ay ku jiraan Caruur,iyadoona Buuraha Nafuusa Al jabaliya dad ka barakacaya dagaalada ay Ciidamada Korneel Qadaafi si kas ah ay u dileen.
Hay adu waxaa ay uga digtay Kooxaha Mucaaradka ah in ay ku dhaqaaqaan talaabada ay sameeyeen Ciidamada Qadaafi,iyadoona sheegtay in lagula xisaabtami doono cid kasta oo rayid waxyeelaysa dhibaatooyinka ay gaysanayaan.

Hya adu ma aanay soo hadal qaadin isbahaysiga Nato oo isaga lagu eedeeyay in duqaynada uu dalkaasi ka wado ay ku dhinteen dad rayid ah,iyadoona ay ku jireen caruurta ku dhintay duqaynada Nato kuwo aad u yaryar.

Madaxweynaha Liibiya Korneel Qadaafi waxaa uu weli ku adkaysanayaa in uu yahay Madaxweynaha xaqda ah ee dalkaasi,iyadoona dhowaan uusoo dhoweeyay wadahadal uu la galo mucaaradka.

SBC International Monitoring