Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku riday 4 Masuul oo ka tirsan Maamulka Soomaaliland kuwaas oo dhowan lagu soo qabtay iska horimaad labada dhinac ku dhexmaray Degmada Taleex

Waxaa sidoo kale maanta iyana xukun lagu riday 4 askari oo iyaguna la socday masuuliyiinta iyo gaadiidkii ay wateen.

Gudoomiyiha Maxkamada Darajada Kowaad C/nuur jamac Xuseen  ayaa ku dhawaaqay edaymo iyo isdifaacid qareemo u doodayey edaysanayasha  oo xeer ilaalintu ay ku soo oogtay danbiyo ay ka mid ahayeen sheegasho dhul Puntland ay maamusho.

Waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in masuuliyiinta 4ta ah ay maxkamadu ku xukuntay xabsi dhan 10 sano, halka 4ta Askari ee la socotay iyana lagu xukumay xukun dhan min afarsano, waxaana gaadiidkii ay wateen gacanta loogeliyay ciidamada Policeka Puntland.

Waana markii ugu horaysay ee Masuuliyiin tiro intaa le’eg oo maamul kale ah ay maxkamada Darajada kowaad ee gobolka nugaal ku xukunto marka laga yimaado Maxaabiis Cidan oo labada dhinac ay kala qabsan jireen

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe