Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga hadley iska horimaad ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaasi oo sida lagu xusey warsaxaafadeedka dhexmarey ciidamada Puntland & kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday sida lagu xusey warsaxafaadeedka waxaa weerarkaasi ciidamadu ku dileen 3 nin iyadoo shan kale lagu dhaawacay kuwaasi oo dhamaantood ka tirsanaa Shabaabka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu xusey in iska horimaadkan uu dhacay 3-dii bishan, 10:30 habeenimo wuxuuna ka dhacay meel Magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaaraha Buuraleyd Galgalaay iska caabiyeen ayna baacsadeen sida warsaxaafadeedka lagu xusey argagixisadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawlada Puntland waxaa lagu qorey in weerarkaasi gardarada ah uu ku shahiiday askari ka tirsanm ciidamada,  Puntland,

Sidoo kale waxaa warsaxafadeedka ka soo baxay Dawlada Puntaland lagu sheegay in maalin-nimadii Jan. 3, 2013, ay Ciidamada Puntland waxay qabteen nin ka tirsan kooxda Al Shabaab isagoo dhulka ku aasaya bambo, iyadoo waa sida warsaxaafadeedka lagu muujiyey ay cadeynayso xogta sirdoonka in kooxda argagaxisada Al Shabaab taageero dhaqaale ay ka hesho lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda, iyadoo burcad-badeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo jab militari iyo burbur dhaqaale soo foodsaartay muddoyinkii dambe.

“Dowladda Puntland ayaa si wayn u cambaaraynaysa lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda waxayna Dowladda Puntland ugu baaqaysaa Beesha Caalamka in si degdeg ah loo joojiyo bixinta lacagaha madaxfurasho ootaageero dhaqaale u ah kooxaha burcad-badeeda iyo argagaxisada Al Shabaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Warsaxafaadeedka waxaa lagu qoray in  la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah, inkastoo aan si rasmi ah loogu shaacin xaaladahaasi warsafxaadeedka.

 SBC News Desk