Wakiilka gaarka ah ee USA oo Booqasho ku yimid Puntland

WAR SAXAAFADEED
19 Nofembar 2011

Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Dowladda USA Danjire James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Danjire Swan oo ay safarkaan ku wehliyeen sarakiil ka tirsan Safaarada USA ee dalka Kenya iyo sarakiisha Hey’adda USAID ayaa waxaa madaarka Garowe kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowladda Puntland oo ay horkacayeen Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa iyo Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xaashi.

Wafdiga Safiirka USA ayaa loo soo galbiyey Madaxtooyadda Dowladda Puntland, halkaasoo uu Danjire Swan wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.

Arrimihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: hirgalinta heshiiskii “Roadmap” iyo horumarinta nabadeynta Somalia; doorka iyo waxqabadka IGAD iyo Midowga Afrika (African Union) kaga aadan xasilinta Somalia; arrimaha ladagaalanka burcad-badeedka; siyaasadda Dowladda USA ee “Dual Track policy”; iyo taageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda USA ka taageerto Puntland

Wafdigii Danjire Swan ayaa ka kulmay Ganacsatada Puntland kana socday shirkadaha ku howlan qeybaha ganacsiga sida dhoofinta xoolaha, telefanada (telcom), tamarta (energy), xawaaladaha, caafimaadka, iyo adeega bulshada.

Waa safarkii ugu  horeeyey uu gudaha Somalia kusoo gaaro Danjire Swan tan iyo markii loo magacaabay Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Somalia, bishii Agosto 2011.

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha USA ayaa shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay gudaha Madaxtooyadda kadibna Wafdigii Danjiraha ayaa dib ugu duulay magaalada Nairobi.

SAWIRO





Source by Madaxtooyada Puntland