Puntland oo war ka soo saartey hawlgalkii Mareykanka uu ka fuliyey bartamaha Somalia

Dowlada Puntland waxay si aad ah u taageersan tahay howgalkii ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku kusoo furteen Jessica Buchanan iyo Dane Poul oo ah labo qof oo shaqaalaha gargaarka ka tirsan kuwaas oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Denmark oo ay kooxaha Burcad-badeeda Soomaalidu ka qabsadeen koonfurta magaalada Gaalkacayo bishii October ee sanadkii tegey mudo dhowr bilood ahna ay ku haysteen deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Puntland waxay ugu baaqaysaa dowladaha kale ee ay ka dhasheen dadka Ajaanibta ah ee lagu haysto Soomaaliya inay qaadaan tallaabo lamid ah midda ay dowlada Maraykanku qaaday, si looga hortago khatarta Burcad-badeeda iyo kooxaha kale ee caadeystey qafaalashada shaqaalaha gargaarka ee dalka u yimid si ay dadka Soomaaliyeed u caawiyaan, kooxahaas oo luqada keliya ee ay fahmi karaani ay tahay in si adag loola dhaqmo oo aan loo naxariisan.

Wasaarada Gaadiidka badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland waxay si gaar ah hanbalyo u direysaa dowlada Turkiga iyo quwadaha kale ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga badda Soomaaliya, iyadoo ka codsanaysa inay howgaladooda balaariyaan kana caawiyaan dowlada Puntland sidii Burcadda dhinaca beriga oo ah halka ay ka duulaan tagaan loogala dagaalami lahaa.

Shirkadaha iyo shakhsiyaadka iska leh maraakiibta ku jira gacanta Burcad-badeeda waxay dowlada Puntland iyagana ku boorineysaa kuna adkeyneysaa in aysan ku deg degin bixinta lacagaha ay kooxaha jirri badeeda ahi madax furasho ahaanta u dalbadaan, lagacagaha ay qaataan Burcad badeedu waxay qayb weyn ka qaataan kororka weerarada Burcadda iyo in dad badani ay ku dhiiradaan, sidaas darteed si taas looga hortago waa in aan wax lacag ah la siin.

Wasaaradu waxay sidoo kale si gaar ah dowlada Turkiga ugaga mahad celineysaa taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan xiligii ay abaaruhu dalka ku dhufteen iyo weliba sida ay mar walba ugu heelan tahay caawimaada ummadda Soomaaliyeed, waxaa hanbalyo iyo bogaadin gaar ah mudan Baarlamaanka Turkiga oo iyagu wakhtiga u kordhiyey ciidamadooda badda ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga badaha deriska la ah Soomaaliya uguna daray 2-sano oo danbe.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka Badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Mudane Siciid Maxamed Raage waxa uu baaq u dirayaa dadka ku howlan, kuwa ku talo jira, iyo dhamaan dadka Soomaaliyee inay ka waantoobaan falalka Burcad-badeednimada iyo kuwa argagixisada oo ah kuwo aan anshaxa iyo dhaqanka suuban ee Islaamka iyo kan Soomaalidaba ku habooneyn.

Waxaa ku saxiixan
Wasiirka Gaadiidka Badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland

Mudane: Eng.  Siciid Maxamed Raage

Daalacatey :405

One Response to Puntland oo war ka soo saartey hawlgalkii Mareykanka uu ka fuliyey bartamaha Somalia

  1. F_Torres says:

    Mar marka Qaar Waxaan Is Dhahaa
    Dadka Dhan Ma American Baa SababTo
    Ah Idaacadaha Wey Buun Buuniyaan
    Markey Ka Hadlayaan Hawl Galka
    Maraykan ( Ciidama Si Qaas U Tababaran)
    Ama Wax Caynkas Oo Kale aH aYadoo
    Dadkii Kaso Horjeedeyna Laga Dhigo
    Waxaan Waxba aHayn Taaso Anigu U arko
    Damiir Xumo Tii Ugu Xumayd Mida Kale
    Waxaan Canbaraynaynaa Hadaan Nahay
    Bulshada Rer PunTland Burcad Badeeda
    Iyo Maraykanka Oo Asago Ogolansho
    Waydiisan Dawlada Somalida Waxu
    Rabo Samaynayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print