Warsaxafadeedkaan ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ku tageerayaan Raysal wasaraha cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso oo shalay uu soo magacabay Madaxwaynaha Somaliya kaas oo laga dhigay Cabdi Faraax Shirdoon loona yaqan Saacid.

Wasirka Warfafinta Puntland Maxamud Caydiid Dirir oo warbahinta ugu akhriyey Warsaxafadedkan Xarunta Madaxtooyada ka soo baxay ayaa sheegay mowqifka ay ka tagan tahay Raysal wasaraha Cusub Puntland

Waxaa ay sheegtay Puntland in ay ku qiimaynayso Raysal wasaraha cusub Heshiis yadii horay ay ula galeen DKMG ahayd ee 2009, ayna mar walba isha ku heyneyso sida loo fuliyo

Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Aqrinaya Warsaxaafadeedka ka soo baxay Puntland (DHAGEYSO)

Horay waxaa sidaan oo kale u soo dhaweyay Raysal wasaha cusub ee Somaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid aqon yahano Somaliyed iyo siyasiyiin inkastoo ay horyalaan arimo badan oo ay ugu soo horeeyaan ansixintiisa iyo soomagacabida xukuumad ka kooban wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe