Iska horimadkaan oo sababay Dhawac  iyo Maxabiis oo saaka wabarigii ka dhacay Degaanka Taleex oo ka tirsan Gobolka sool ayaa waxaa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Cidamo waday wafdi usocday  Degmada Taleex  oo ka tirsanaa Maamulka Somaliland.

Maxabiista ay soo qabteen dhanka Ciidamada Puntland iyo Gadiid Garayey 3 oo nooca SURFta loo yaqaan ayaa saaka waxaa ay warbaahinta ugu soo bandhigeen Saldhiga Boliska ee Magaalada Garowe iyo Ispitaalka Guud oo la geeyay 5 ka mida Maxabiistii lagu soo qabtay Iska Hor imaadkii  oo
lagu dawaynayo.

Waxaana ka mida Saraakiisha  la soo qabtay  Taliyihii Aga sool ee Somaliland Col Dhoodi, Gudomiyihii Maxkamada Salaad Cawar , Gudomiyihii waxbarashada maxamed Cali Cartay  iyo Xeer ilaaliyihii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali siciid Sandqad sida uu shir Jaraa’id ku shegay Taliyaha Guud ee Cidamada Madaxtooyada Puntland Col, Cumar C/laahir Maxamed.

Todobadkii aynu ka soo Gudubnay ayey ahayd markii Wafdi Wasiro iyo Ha’yadaha Qaramada Midoway  oo uu hogaaminayey wasirka Amniga Puntland Gen Khalif Ciise Mudan  ay Gareen Degmadaas  oo  ay kulan kula soo qateen Dadka degaanka

Hadaba Daawo Sawiro Aan ka soo qaadnay Gaadiidka iyo Maxaabiista ay Puntland Soo qabatay.