Warsaxaafeed ka soo baxay dowlada Puntland loogana hadlayey  maxaabiista lagu  soo  qabtay dagaaldii dhawaan ka dhacay gobolka  Mudug  oo noqul kamid ah la soo gaarsiyey warbaahinta SBC International ayaa  uqornaa sidan :

Soo bandhigid maxaabiis lagu soo qabtay dagaalkii Gaalkacyo
Dowlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigaysa
Maxaabiis lagu qabtay howlgaladii iyo dagaalkii horaantii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamada amniga ee Puntland oo todobaadyadii ugu dambeeyey howlgalo kawaday magaalda Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay maxaabiis tirabada oo ka tirsan Xarakada Alshabaab qaarkoodna lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay 1da ilaa2da bisha sebtembar .

Ciidamada amniga ayaa maxaabiistii la soo xiray qaarkood waxay ka soo qabteen guri ku yaala xaafada garsoor ee magaalda Gaalkacyo iyadoo xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ay shirk u lahaayeen gurigaas .

Sida dowladu sida xogta ku hayso xaafada garsoor ayaa in mudo ah noqotay saldhig laga soo abaabulo dilalka iyo qaraxyada qorshaysan ee ka dhaca guud ahaan Puntland laguna bartilmaameedsado wax garadka iyo masuuliyiinta reer Puntland.

Intaasi waxaa sii dheer in maxaabiista badan kooda in dagaal fool ka fool ah ay kula jireen ciidamada dowlada puntlan oo howl galo lagu sugayo amnig ka waday xaafada magaalda gaal kacyo .

Waxaa xusid mudan in maxaabiis kale ay ku xiranyihiin  xabsiyada Gaalkacyo waxaa la xaqiijiyey xubno allshaab ah oo ku dhintay xarumaha caafimaadka jeebabkooda laga helay rasaas iyada oo kuwa dhintay iyo kula la soo xirayba ay ukala dhasheen dhamaan gobolada soomaaliya

Halkan ka akhriso magacyada maxaabiista

1 Jaamac xasan faarax
2 Maxamed c/nuur faarax
3 C/rashiid cardif warsame
4 C/wali maxamed cabaas
5 C/casiis mashaale maxmed
6 C/fitaax daahir khayre
7 C/rashiid c/qaadir cismaan
8 Maxamed cismaan ciise
9 Cali jaamac maaday
10  Isaaq ibraahim aadan
11 C/kariin maaday macalin
12 Aadan sheikh axmed
13 Ibraahim macalin axmed
14 Maxmed nuur nuunow isaaq
15  Jeele maxamed macalin
16  C/casiis abuukar maxamed
17  Macalin maxamed cabdi
18  Axmed maxamed nuur

 Sawiro….

Maxamed Siciid Yuusuf.
SBC International Garoowe