Gaarigan ay soo bandhigeen ciidamada amaanka ee dawlada Puntland ayaa ahaa nooca ay Somalidu u taqaano isku rogada waxna uu wada raashin iyo waliba wax yaalo ay ciidamada amaanku ku sheegeen in loo isticmaalo waxyaalaha qarxa gaarigan ayaa saraakiisha amaanka sheegeen in uu urarnaa maleeshiyada kadagaalanta buuralayda galgala ee uu hogaamiyo Sheikh Maxamad  Siciid Attam.

Gaarigan oo lagu soo bandhigay saldhiga bartamaha ee magaalada Bosaso ayaa waxaa goobtii lagu soo bandhigayay goob joog ahaa wasiirku xigeenka wasaarada amniga Dawlada Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamad taliyaha qaybta gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke (Afdalow)  iyo  taliyaha nawaaxiga deegaanka Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame Afguduud.

Ugu horayntii ayaa waxaa goobta kahadlay taliyaha nawaaxiga deegaanka Galgala col Jaamac Siciid Warsame afguduud kana war bixiyey wax yaalaha saaran gaariga ay soo qabteen ciidamadu.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa raashinka nocyadiisa kala duwan mobile cusub bitiriyada nooca dabka laga dhaliyo iyo walib waxyaala kale.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlaya ninkii uu urarnaa gaarigii ay soo qabteen ciidamada amaanka ee Dawlada Puntlan ee la sheegay in uu urarnaa maleeshiyada ka dagaalanta buralayda GalGala   Axmad Cabdi Guraxan wuxuuna sheegay in isagu uu watay gaarigan islmarkaasina uu raashinka u waday dhalin yaro uu sheegay in ay buurta ku sugan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye .

Axmad ayaa sheegay in uu yahay shaqsi ka shaqeeya nabada islamarkaasina uusan joojin doonin xiriirka kala dhexeeya kooxda kusugana buuralayda Galgala

Cabdi Jamaal Cismaan Mxamad wasiir kuxigeenka wasaarada amniga ee Dawlada Puntlan ayaa u mahad celiyay ciidamada amaanka ee Dawlada Puntland ee hawlgalkan fuliyey .

Wuxuuna sheegay in ciidamada amaanka ee Dawlada Puntland ay ka go’antahay ka shaqaynta amaanka deegaanada Puntland .

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarda amniga ee Dawlada Puntland  ayaa sheegy in wararka sheegaya in maleeshiyadka  ka dagaalama deegaanada  Galgala ay yihiin maleeshiyo beeleed wuxuuna hoosta ka xariiqay in arinkaasi uu yahay arin been abuur ah.

Ugu dan beyntii ayuu wasiirku shacbka Reer Puntland uga mahad celiyey kaalinta wanaagsan ee ay ka qaataan hawal galada  ku aadan sugida amaanka iyo xogsiinta ciidamada Dawlada Puntland .

Kooxada dagaalka kula jirta Puntland ee uu hogaamiyo Shekh Maxamad Siciid Attam ayaa dhawaantan sheegay in ay ku biireen Xarakada shabab al mujaahidiin ee ka dagaalanta koonfurta dalka Somalia.

Codad arintan ku saabsan ka dhageyso Link-yada hoose.



Halkan ka dhageyso hadalka wasiir kuxigeenka amniga Puntland

Halkan ka dhageyso Ninkii gaarigu u rarnaa

Halkan ka dhageyso codka Col. Jaamac






SBC International News