Maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso saxaafadda ugu soo bandhigay Sideed nin oo horay uga tirsanaa Al-shabaab ,balse goor dambe ku biiray kooxda daacish ee ku Sugan buuraha Calbari ,kuwaas oo isu soo dhiibay Dawladda.

Sideedaan nin ee isa soo dhiibay ayaa badankood yihiin saraakiil sare oo kooxahaasi katirsanaa, Sida ay sheegayso Puntland, waxaana ay sheegeen in fikradii ay horay u haysteen ay aheyd mid khaldan ,iyagoona shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay cafiyaan,maadama ay qirteen in dagaalo badan ka soo qeyb qaateen.

Duqa Degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamed Oo La Hadlayay Warbaahinta SBC Ayaa sheegay iney dhalinyaradaan Khaldameen, Balse Ay Hadda dib isugu soo dhiibeen Ciidamadda Amaanka ee Puntland

Inkastoo uusan si faahfaahsan oga hadlin Arintan, ayuu Hadana sheegay iney Dib Uga Hadli Doonaan Xogta Arintaan,

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Degmadda Boosaso Yaasiin Mire Maxamud Ayaa beeniyay Warar Ay Dadku hadal hayeen oo ku Aadan in Maalmaha soo socda La xanibi doono dhaq-dhaqaaqa Kontoroolka hore ee laga soo Galo Magaaladda Bosaso, Kaas oo lagu sheegay in la xiri doono maalmaha Ciidda,

Mudooyinkii U danbeeyay Ciidamadda Amaanka ee Puntland Ayaa Howlgalo Lagu xaqiijinayo Amaanka Ka waday Magaaladda Ganacsiga Puntland ee Boosaso

DAAWO SAWIRADDA :