Barqadii maanta ayaa waxa uu dagaal ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Laascaanood iyo Tuulada Tukaraq oo ka wada tirsan gobolka Sool, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowlada Puntland iyo kuwa Maamulka labaxay Soomaaliland, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare Naf iyo maalba leh .

War ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay soo qaadeen ciidamada Maamulka Labaxay Soomaaliland iygoo ciidankooda ay soo weerareen ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa inta u dhexeysa Laascaano iyo Tukaraq ee gobolkaasi Sool.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta isgaarsiinka Hidaha iyo dhaqanka Dowlada Puntland Axmed Cali Askar oo shir Jaraa’id ku qabtay Fiidnimada Caawa magaalada Garoowe Xarunta dowlada Puntland ayaa sheegay in dagaalkii dhacay maanta Barqadii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, isagoona sheegay in ciidamada Puntland ay dagaalkaasi kula wareegeen Gaari nooca dagaalka ah islamarkaana ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi askar 3 gaareysa.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Wasiirka-Warfaafinta-Puntland.mp3|titles=Wasiirka Warfaafinta Puntland]
Wasiirka ayaa dhanka kale waxa uu warbaahinta u sheegay in ay ku lug lahaayeen dagaalkaasi Dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dowlada KMG ah balse wasiirku ma bixin wax faah faahin oo intaasi dheer .

SBC International Garoowe.